Miyaad ka fekereysaa inaad joojiso tubaakada?

Khadka joojinta sigaarka waxay siinayaan taageero iyo talooyin dadka raba inay joojiyaan sigaarka iyo tubaakada kale ama waxyaabaha nigotiinka leh. Waxaan ku shaqaynaa habab caddaymo ku salaysan, kuwaas oo ah habab oo lagu taageeray cilmi-baaris Adeega aanu bixinaa waa lacag la'aan umana baahna inaad sheegto qofka aad tahay. Saaxiibada iyo qoyska doonaya talo ku saabsan sida loo kaalmeeyo qof raba inuu joojiyo iyagana sidoo kale waanu soo dhawaynaynaa inay nala soo xiriiraan.

Ma rabtaa in lagu soo waco?

Haddii aad rabto inuu kula soo xiriiro mid ka mid ah la-taliyayaashayadu, waxaad macluumaadka lagaala soo xiriirayo ku qoraysaa foomka ku yaala boggan xaggiisa hoose. Waxaanu caadi ahaan kula soo xiriiraynaa laba toddobaad gudahood. La taliyayaashayadu waxay ku hadlaan af iswiidhish, ingiriis iyo carabi Waxaanu sidoo kale bixinaa in aanu turjubaano u qabano luqadaha intooda badan.

Dadka qaarkood inay annaga nala hadlaan ayaa ku filanhalmar, dad kalena waxay door bidaan xiriiro dhowr ah muddo wakhti ah. Taageerada khadka joojinta sigaarku waxay ku salaysan tahay xaaladaada hadda iyo baahiyahaaga. Waxaanu sidoo kale bixinaa talo ku saabsan waxa beddeli kara nikotiinka iyo dawooyinka kale ee joojinta tubaakada U fiirso annagu ma qorikaro dawooyin ama ma bixinno talooyin ku saabsan caafimaadka. Adeegyadan waxaan kuu gudbineynaa daryeel bixiyahaaga caafimaadka.

Sababaha loo joojinayo

Waxaa jira sababo badan oo loo rabo in loo joojiyo sigaarka. Wadahadalkaaga waanu soo dhaweynaynaa annagoon u eegin haddii uu dhakhtarku kugula taliyey inaad joojiso, aad ka welwelsan tahay caafimaadkaaga ama aad rabto inaad lacagtaada ku bixiso waxyaabo aan ahayn tubaakada.

Dadka qaarkood waxay u tahay isbeddel nololeed oo ay sugayaan, qaar kalena waxay hawshu ula u ekaan kartaa wax la yaab badan. Qaar kalena - labada siyaaboodba

Dareen isku dhafan oo ku saabsan joojinta

Inta badan dadka ku fikiraya joojinta tubaakada dareeno kala duwan ayey ka qaba arrintaas. Nigotiinku waa wax haddii la qabatimo aan layska daynkarayn wuxuuna saameeyaa hababka abaal-marinta ee maskaxdaada. Isticmaalka tubaakada waxaad ka heleysaa dareen qanacsanaan ah oo markuu nigotiinku kaa maqan yahay waxay kuu horseedi kartaa dareen aan raaxo lahayn. Taasi waxay badanaa keentaa inaad sii wadato isticmaalka tubaakada inkastoo cawaaqib xumo ay ku leedahay noloshaada. Waxaad haysataa sababo aad u badan oo aad iskaga joojinkarto, laakiin waxaad dareemi kartaa wax aan macquul ahayn. Warka fiican ayaa ah inay jirto caawimo aad heli karo. Waxaanu isticmaalnaa habab caddaymo ku saleysan si lagaaga caawiyo si aad u gaarto isbeddel ku saabsan dhinaca dabeecadda aad ee aad higsanayso. Tan waxaa ka mid ah taageero ku saabsan dhibaatooyinka jirka iyo kuwa maskaxda ee aad labadaba kala kulmi karto.

Faa'iidooyinka caafimaadka marka la joojiyo sigaarka

Isticmaalka tubaakada waxaa ku jira maadooyin badan oo waxyeelo leh. Sigaarku waa mid ka mid ah dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka ee ugu weyn adduunka. Cudurada la xidhiidha cabista sigaarka ayaa ah kuwa ugu badan ee keena inay dadku wakhti hore dhintaan. Sigaar cabbiddu waxay kordhisaa halista kansarka, cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga, KOL (cudurka sambabada xanniba ee joogtada ah), sonkorta iyo cudurro kale oo badan. Joojinta sigaar cabistu, waxay yaraysaa inuu qofka ku dhaco cudurrada sigaar cabista la xiriira.

Sigaar cabid dadban

Neefsashada qiiqa/qaaca tubaakada iyada oo aanu qofku sigaar cabin waxaa loo yaqaan sigaar cabid dadban. . Qofka ay ku soo noqnoqoto qaaca/qiiqa tubaakadu muddo dheer waxa uu la kulmayaa khataro caafimaad oo la mid ah kan sigaarka cabba, in kastoo ay yar tahay. Carruurtu si gaar ah ayey ugu nugul yihiin. Waxay khatar ugu jiraan oo ay kor u qaadaa dhimashada degdega ah ee dhallaanka yaryar, neefta/asmada, xasaasiyadda, caabuqa dhegaha iyo xanuunka sambabada marka ay nuugaan qaaca/qiiqa sigaarka.

Miyaad cabtaa shiishada?

Dad badan ayaa aaminsan in cabbidda shiishadu ay ka khatar yar tahay cabbidda sigaarka. Laakiin qaaca/qiiqa waxaa ku jira maadooyin khatar ah oo la mid ah kuwa qaaca/qiiqa sigaarka. Kuwaas waxaa ka mid ah nigotiinka, daamurka/laamiga, carbon monoxidka iyo biraha culus. Biyuhu ma nadiifiyaan waxa ku jira qaaca/qiiqa. Marka la cabbayo shiishada, waxa samaysma qaac/qiiq badan kaas oo waxyeelo u geysta qofka cabbaya iyo dadka ka ag dhow labadaba.

Sidee loo joojin karaa isticmaalka tubaakada?

Habka ugu fiican ee aad isaga joojin karto isticmaalka tubaakada waa habka adiga kaa dhigaya inaad iskaga joojiso. Waxa caawinaya aad bay ugu kala duwan yihiin shakhsiyaadku - ma jiro hab sax ahi. Caadiyan waxay arrintu ku saabsan tahay in la helo hab lagu maareeyo dareenka rabitaanka isticmaalka ee tubaakada. Barashada aqbalida fikradaha iyo dareenka rabitaanka cabbida sigaarka isagoon qofku samaynin arrintaasi waa muhiim. Haddii aad caadaysatay tubaakada, isbeddelku wuxuu u baahan karaa in aad arrintaa xooga saarto.

Hore in loo sii qorsheeyo

Dedaalka/isku taxallujinta loo baahan yahay si loo joojiyo waxa uu noqon karaa mid aad u weyn. Sidaa darteed way wanaagsan tahay inaad doorato wakhti aad ku joojiso taas oo noloshaada ku habboon. Markaa boroseeska ayaa wuxuu heleyaa hab qaab dhismeed ah waxayna sahlaysaa in la fahmo lana raaco. Cilmi baarista ayaa muujisay in haddii la keeno isbeddel iyo bilow cusub, ay suurtagalnimada guushaasi kordheyso. Waxay noqon kartaa maalin dhalasho, sannad cusub ama bilowga usbuuca soo socda uun. Sugitaanka inaad si kedis ah u dareento si sax ah waxay la macno tahay inaad sugto wakhti dheer.

Diyaargarow

Haddii inta aanad joojin aad isu diyaariso, waxaa markaa kordhaya suurtogalnimada in aad ku guulaysato. Diyaargarowga waxaa ka mid noqon kara inaad maarayso oo aad ku tababarato la qabsiga rabitaanka, inaad taageero weydiisato dadka kugu xeeran, inaad talooyin weydiiso la taliyahaaga iyo inaad hesho daawo. Qayb ka mid ah diyaargarowgu waxay noqon kartaa in sigaar cabbida aad ka dhigto mid adag oo aan soo jiidasho lahayn. Isla mar ahaantaana, waxay sigaar cabbis la’aantu kaa dhigaysaa mid soo jiidasho leh oo abaalgud ah.

Tusaale ahaan:

  • Dooro inaad ku cabto oo keliya meel aan ku habboonayn oo ay adagtahay in la helo.
  • Nadiifi oo dhaq wax kasta oo ur qaac/qiiq leh.
  • Ka feker sida aad naftaada u aragto iyo sida aad rabto inaad u noolaato noloshaada. Haddii arrintaas aad ku darto in sigaar-cabista laga xoroobo, markaa joojinta sigaarka iyada ayaa ka dhigaya inay dhacdo.
  • Ku raaxayso dareenka sigaar la'aanta oo u fiirso isbeddellada wanaagsan ee jirkaaga. Dhakhso ayay u yimaadaan.

Dhaqdhaqaaqa jirka iyo talada guud

Dhaqdhaqaaqa jirka macnihiisu waa inaad u dhaqaaqdo hab aad u isticmaasho tamarta. Dhaqdhaqaaqa dhammaantii wuu wanaagsan yahay Dhaqdhaqaaqa jireed ee meel dhexdhexaadka ah iyo kuwa xoogga badan labaduba waxay wanaajiyaan caafimaadka waxayna noqon karaan kuwo waxtar u leh marka la joojinayo tubaakada. Waxay aktifgaraysaa habka abaal-marinta ee jirka iyo kan maskaxda labadaba si la mid ah kan nigotiinka. Dhaqdhaqaaqa jirku wuxuu caawiyaa khafiifinta calaamadaha ka-noqoshada iyo dareenka raaxo la'aanta labadaba. Intaa waxaa dheer, dhaqdhaqaaqa jirku wuxuu ku siinayaa qaab caafimaad oo wuxuu kaa jeedinayaa markaad yeelato rabitaanka dareenka sigaar cabbida.

Dhowr talooyin oo kale:

  • Si aad u ilaaliso heerka sonkorta dhiigga - si joogto ah wax u cun.
  • Si aad uga fogaato biyaha oo jirkaaga ku yaraada - cab biyo marar badan.
  • Ka feker in aad isticmaasho waxa beddeli kara nigotiinka ama dawooyinka kale ee joojiya tubaakada

U naxariiso naftaada

Qabatinka uu jirkaagu qabatimay tubaakada waxay keentaa inuu jirkaagu ku dadaalo isbeddelka. Inta badan, waxay taa macnaheedu tahay raaxo la’aan ilaa xad ah. Iskuday ah inaad la halganto khibradan waxay badanaa keentaa rafaad badan.

Sida ugu wanaagsan ee loola tacaali karo raaxo la'aanta waa inaad naftaada daryeesho. Inaad ixtiraamto oo aad u naxariisato naftaada marka aad la kulanto dhibaatooyin waxay yaraynaysaa dhibaatada.

  • Iska dhig qof dabacsan oo fiican oo iskuday inaad is jilciso.
  • Qorshayso inaad samayso aktiifiteetyo aad jeceshahay.
  • Khibradaadu ha ahaato mid noqota, wanaag iyo xumaan labadaba.

Astaamaha iskadaynta

Nigotiinku aad buu u yahay wax ama shay haddii la isticmaalo aan la iskadayn karin. Markaad isticmaasho tubaakada, jirkaagu wuxuu waafaqsan yahay in nigotiinka si soo noqnoqosho leh looga buuxiyo si aad u dareemo caadi. Taas macnaheedu waxay tahay in jirkaaga iyo maskaxdaadu ay u baahan yihiin inay dib ula qabsadaan markaad joojiso. Waxa laga yaabaa inaad xanaaqdo, daasho, ahmiyad la’aan, aad hooseyso oo aanad fadhiisan. Waxa kale oo laga yaabaa in aad la kulanto madax-xanuun, dhidid, calool xanuun iyo dareen guud oo wanaagsanayn.

Si looga dhigo mid waarta mustaqbalka fog

Joojinta tubaakada ayaa dadka intooda badan ku adag. Isbeddelku wuxuu noqon karaa mid shuruudo leh, gaar ahaan bilowga hore ee boroseeska. Laakiin xusuusta isticmaalka ee tubaakadu waxay ku sii jirtaa maskaxda iyo jirka muddo dheer ka dib marka la joojiyo. Tan macnaheedu waxay tahay in laga yaabo inaad leedahay rabitaan xooggan oo ah isticmaalka tubaakada marka ay kula tahay. Waxaa laga yaabaa in tani ay tahay wax aad hore u soo aragtay, ama dareemayso inay tahay mid adiga ku khusaysa. Inkasta oo laga yaabo inuu dareenku kaa yaabin karo, hadana waxaad ku sii wadi kartaa waddadaada qorshaysan. Markaa way fiicantahay inaad diyaar noqoto.

Ka feker xaaladaha aad ka shakisan tahay inay kugu keenayaan inaad isticmaasho tubaakada, qorshee dabeecado kale oo kaa caawin kara. Xasuusnoow inay caadi tahay in aad u aragto inay jirto rabitaanka isticmaalka tubaakada, waad na soo wici kartaa si aanu kuu siino taageero iyo talo.

Nala soo xiriir

Waa suurtagal in la joojiyo tubaakada, inkastoo laga yaabo in ay adag tahay. Caadiyan boroseesku wuxuu qaataa wakhti, waxaana laga yaabaa inay jiraan dhibaatooyin inta jidka lagu jiro. Xusuusnow inay jiraan caawimo aad helikarto oo ah dad aqoon leh. In la haysto taageero caddayn ku salaysan inta jidka lagu jiro waxay wanaajinaysaa fursadahaaga inaad ku guulaysato - waxaa lagugu soo dhawaynayaa inaad nala soo xidhiidho.

Contact form

Dooro luqadda aad sii jeclaan lahayd in aad kula hadashid Khadka Jooji Sigaarka iyo Tubaakada?